Maamulka Khaatumo State ayaa soo dhaweeyay Doorashadii shalay ka dhacay magaalada Cadaado ee lagu doortay madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.
Wasiirka Warfaafinta Maamulkaasi Maxamed Gacmo Yare oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan doorashadaasi oo uu sheegay in ay u dhacday qaab aad u wanaagsan.
Waxa uu tilmaamay in doorashada ay ahayd mid taariikhi ah, waxaana uu ugu baaqay maamulka Ahlu-sunna in maamulkaasi ay taageeraan.
Maxamed Gacmo Yare ayaa dhinaca kale waxa uu kula dardaarmay madaxweynaha cusub ee Galmudug Cabdikariin Xuseen in uu xilka loo doortay uu u guto sidii loogu dhiibay, kana shaqeeyo horumarka iyo nabadda deegaanada uu madaxda u yahay.
Shalay ayaa magaalada Cadaado waxaa ka dhacday doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa, iyadoo Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku guuleystay xilka madaxweynaha.
Goobjoog News