U bood dhigaalka

Saraakiil Kenyaan Ah Oo Lagu Weeraray Lamu, Kenya

Ogoosto 2, 2016

Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya iyo shaqaale ka tirsan National Youth Service ayaa lagu dhaawacay Lamu kadib weerar ay u geysteen dad looga shakiyay Al-shabaab.

Sida uu sheegay Lamu County Commissioner-ka  Joseph Kanyiri, Bam lagu sameeyay guryaha ayaa lagu tuuray saraakiisha, iyadoo dhaawac u geysatay.

Qaraxa ayaa dhacaya todobaad kadib markii ciidamo ka tirsan waaxda difaaca dalkaasi ka badbaadeen markii qarax lala eegtay.

Alshabaab ayaa weerar inta badan u geysata askar Kenyaanka ag labadii sano ee ugu dambeysay, Lamu waa meelaha ugu badan ee weeraradaas ay ka geystaan.

Goobjoog News