U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Oo Soo Gaarey Muqdisho

Ogoosto 13, 2018

Cusmaan Saalax Maxamed, wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho.

Booqashadan oo horay u qorsheysneed ayaa la sheegayaa inay hordhac u tahay booqashada madaxweyne Isaias Afwerki.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa horay u booqday Eritrea July 28-keedii, isaga oo ugu baaqay qaramada midoobey in cunaqabateynta laga qaado dalkaasi xilli ay Soomaaliya saarantahay.

Wararkan, oo Faah-faahsan, kala soco, Goobjoog. 

Goobjoog News