U bood dhigaalka

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Wakiilka QM Ee Soomaaliya Iyo Danjiraha Ingiriiska

Luuliyo 21, 2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wadajir u qaabbilay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya , James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu Gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya,

Wuxuu sidoo kale kala hadlay Madaxweynuhu u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada.