U bood dhigaalka

FESOJ oo Taageertay Ishor istaagga Qareennada Gurbiye ee Kiiska Villa Somalia

Luuliyo 7, 2020

FESOJ  ayaa taageertay ishor istaagga ay dalbadeen qareennada kiiska weriye Cabdicasis Gurbiye tifaftiraha guud ee Goobjoog Media Group.

“ Waxaan ku baaqeynaa in la laalo eedeymaha ka dhanka ah Cabdicasis Gurbiye waayo, sharci ahaan ma aha qaar waaqici ah ” sidaasi waxaa lagu yiri qoraal ay FESOJ soo dhigtay barta Twitterka.

Agaasime ku-xigeenka Goobjoog Cabdicasis Gurbiye ayaa maanta tagay maxkamadda gobolka Banaadir isaga oo wajahaya eedeymo been ah oo ka socda dhanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Goobjoog News