U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Ansixiyay Misaaniyadda Qaranka 2022

Juun 30, 2022

Munadeyaasha labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa lagu meel mariyay misaaniyad sanadeedka dowladda ee 2022-ka, taas oo xildhibaannadu soo dhameeyeen akhrinteeda, kadib markii dhowaan ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda.

Misaaniyadda maanta Baarlamaanku ansixiyay ayaa waxaa ay gaaraysaa $699.1 million, taas oo 28.0 Million ku korartay tii sanadkii 2021-ka oo aheyd $671 Million, iyadoo  hal mar lagu kordhiyey $195 malyan marka loo eego miisaaniyaddii 2020-kii oo aheyd $476 million, waxaana ay u socotay sare sanad waliba.

Baarlamaankii 10-aad ayaa ku guul dareystay inuu xisaab xir lagu soo celiyo tan iyo 2018, waxaana ay dhalisay su, aalo adag oo Baarlamaanka 11-aad ay xisaabaadkaas laga weydiiosayay wasiirka maaliyadda xukuumadda xil gaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo looga yeeray labadii kulan ee ugu dambaysay Baarlamaanka.

Goobjoog News