U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS oo Madaxweyne Deni ku eedeeyay hoggaan-xumo iyo kala-qeybin siyaasadeed

Luuliyo 31, 2026

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa ka jawaabay khudbad uu xalay magaalada Garoowe ka jeediyay Madaxweynaha Puntland.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan Puntland ay salka ku hayso hoggaan-xumo, shaqsiyeynta maamulka iyo ku-takrifalka dowladnimada.

“Dhibaatada Puntland ka taagani waa ciladda ka imaaneysa hoggaan-xumada, shaqsiyeynta iyo ku-takrifalka dowladnimada Puntland,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale, wuxuu xusay in shacabka Puntland ay muddo dheer lahaayeen dhaqan siyaasadeed oo ku dhisnaa wada-hadal, is-afgarad iyo in talada laga qeyb-geliyo waxgaradka iyo bulshada deegaanka.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu beddelay dhaqamadii siyaasadeed ee wanaagsanaa, isagoo sheegay in halkoodii ay ka dhasheen loollan siyaasadeed, awood ku saleysan xoog iyo kala-qeybin bulsho.

“Waxaad burburisay dhaqamadii siyaasadeed ee wanaagsanaa, waxaadna soo kordhisay boob siyaasadeed, awood qori keliya lagu raadiyo iyo kala-qeybinta bulshada Puntland,” ayuu yiri Cali Xoosh.

Hadalladan ayaa imanaya iyadoo uu sii xoogeysanayo is-maandhaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.