U bood dhigaalka

Xisbiga Awoodda Shacabka oo ka baxay Madasha Heybad Qaran

Ogoosto 1, 2026

Muqdisho, 1 Agoosto 2026 – Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobanka xisbi ee ku mideysnaa Madasha Heybad Qaran, ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxay Madasha, kadib markii uu kasoo horjeestay go’aan ay dhawaan soo saareen Golaha Mustaqbalka.

Xisbiga ayaa sheegay in muddadii uu ka tirsanaa Madasha uu si joogto ah uga qayb qaatay doodaha iyo aragtiyada lagu salaynayo xasilloonida dalka iyo nidaamka doorashooyinka.

Hase yeeshee, Awoodda Shacabka ayaa sheegay in warqaddii Golaha Mustaqbalka ee 28-kii Luulyo 2026 ay ku jireen qodobo aysan ku waafaqsanayn, gaar ahaan arrimo la xiriira doorashada dalka, muddada xilka hay’adaha dowladda iyo dowladnimada Soomaaliya.

Xisbiga ayaa si cad u sheegay:

“Kadib qiimeyn iyo wadatashi guddaha Xisbiga Awoodda Shacabka, waxaan gaarnay go’aan ah in Xisbiga Awoodda Shacabka uusan qayb ka sii ahaan karin Midowga Heybad Qaran.”

Go’aanka ayaa ka dhigan in Awoodda Shacabka uu si rasmi ah uga baxay Midowga Madasha Heybad Qaran, isagoo uga mahadceliyay hoggaanka Madasha iyo dhammaan xubnihii ay wada shaqeynayeen.

Arrintan ayaa noqon karta isbeddel siyaasadeed oo muhiim ah, maadaama ay imaaneyso xilli ay Soomaaliya ka taagan yihiin doodo xooggan oo ku saabsan jihada siyaasadda iyo doorashooyinka dalka.