Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada ay dowladdu waddo ee la-dagaallanka argagixisada, xaaladda iyo taageerada Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyey Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha garab-istaagga joogtada ah iyo mowqifkeeda ku aaddan taageerada midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.