U bood dhigaalka

Puntland oo walaac ka muujisay hub ay sheegtay in DFS ka dejisay Gaalkacyo, bogaadisayna tallaabadii Galmudug

Ogoosto 4, 2026

Maamulka  Puntland ayaa si adag uga hadashay xaaladda amni ee ka taagan magaalada Gaalkacyo, kaddib markii ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo iyo hub ku soo dejisay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Galmudug, iyadoo Puntland ay ku eedeysay in tallaabadaasi ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Puntland ayaa sheegtay in ciidamadan iyo hubka la sheegay in laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ay ku soo dhowaanayaan dhinaca Puntland, iyadoo walaac laga muujiyay inay horseedi karaan iska horimaadyo iyo khalkhal amni.

Puntland waxay ugu baaqday Dowladda Galmudug iyo ciidamadeeda inay ka hortagaan wax kasta oo sababi kara amni-darro, iyadoo ku adkaysatay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamadeeda iyo hubkeeda ka saarto Gobolka Mudug, isla markaana la soo dhexmaro hub iyo ciidamo lagu wiiqayo nabadgelyada deegaanada Puntland.

Puntland waxay sidoo kale xustay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Puntland iyo Galmudug, oo ay ku tilmaantay deris wanaagsan, wada noolaansho bulsho iyo wada shaqeyn soo jireen ah. Sidaas darteed, waxay sheegtay in mas’uuliyadda amniga iyo xasilloonida labada dhinac ay saaran tahay maamullada Puntland iyo Galmudug.

Puntland ayaa ugu dambeyn ugu baaqday shacabka Puntland inay ka digtoonaadaan faragelin kasta oo ay sheegtay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo deegaanadeeda, iyadoo sheegtay in tallaabooyinka noocaas ah ay dhaawici karaan dowladnimada, amniga iyo xasilloonida Puntland.