Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Indonesia u fadhiya Kenya ahna Danjiraha aan degganayn ee Soomaaliya, Witjaksono Adji.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Indonesia, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada badda iyo dhaqaalaha buluugga ah (Blue Economy).
Danjire Adji ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Indonesia ee madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa dhankiisa soo bandhigay mudnaanta Soomaaliya ee la xiriirta horumarinta khayraadka badda iyo dhaqaalaha buluugga ah ee gobolka Badweynta Hindiya.
Labada dhinac oo ka wada tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa isku raacay in la sameeyo kooxo farsamo oo heer shaqo ah, kuwaas oo ka shaqeeya iskaashiga maamulka khayraadka badda, dhisidda awoodda hay’adaha iyo horumar waara.
Kulankan ayaa muujinaya dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Indonesia, iyadoo labada dal ay wadaagaan dano istiraatiiji ah oo ku saabsan badda, khayraadka dabiiciga ah iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah.