U bood dhigaalka

TPLF oo Lagu Eedeeyay Inay Dib u Hurineyso Xiisadda Tigray

Ogoosto 4, 2026

Xiisadda siyaasadeed iyo amni ee gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa mar kale soo cusboonaatay, kaddib markii koox isku magacawday Ciidamada Nabadgelyada Tigray (Tigray Peace Force) ay eedeymo culus u jeediyeen hoggaanka Jabhadda TPLF.

Kooxdan ayaa sheegtay in hoggaanka TPLF uu door ku leeyahay sii xumaanshaha xaaladda gobolka, isla markaana uu danaynayo ilaalinta awoodda iyo saamaynta siyaasadeed ee jabhadda.

Waxay sidoo kale ka digtay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Tigray ay sababi karaan in gobolka uu mar kale u laabto dagaal sokeeye, iyadoo xusuusta dagaalkii hore iyo dhibaatooyinkii ka dhashay ay weli saameyn ku leeyihiin shacabka.

Ciidamada Nabadgelyada Tigray ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya, beesha caalamka iyo dhinacyada kale ee gobolka inay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo in xiisadda ay isu beddesho dagaal cusub.

Kooxdan ayaa la sheegay inay soo baxday sannadkii 2025, kaddib markii saraakiil iyo siyaasiyiin hore uga tirsanaa TPLF ay ka go’een jabhadda, iyagoo khilaaf kala dhexeeyay hoggaanka iyo jihada siyaasadeed ee TPLF.

Xiisadaha ka dhex jira dhinacyada siyaasadda Tigray ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka uu weli ku guda jiro dib-u-dhis iyo soo kabasho ka dhalatay dagaalkii Tigray, waxaana cabsi laga qabaa in khilaafyada cusub ay carqaladeeyaan dadaallada nabadda iyo xasilloonida gobolka.