U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo Muqdisho ku soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed

Ogoosto 5, 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid, ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray muhiimadda istaraatiijiga ah ee badaha Soomaaliya iyo sida looga faa’iideysan karo kheyraadka buluugga ah.

Shirweynaha ayaa looga hadlay doorka badaha Soomaaliya ku leeyihiin koboca dhaqaalaha dalka, xoojinta amniga iyo ilaalinta xeebaha, dhowrista deegaanka badda iyo horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira badaha Soomaaliya.

Waxaa shirweynaha ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada, ganacsato, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaal kale oo ku howlan arrimaha badda iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Shirkan ayaa sidoo kale loo arkaa fursad lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda, dowlad-goboleedyada, ganacsatada iyo bahda aqoonta, si loo sameeyo qorshayaal lagu horumarinayo kalluumeysiga, dhaqaalaha badda, ilaalinta deegaanka iyo amniga xeebaha.

Masuuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in Soomaaliya si waara uga faa’iideysato kheyraadkeeda badeed, iyadoo la ilaalinayo deegaanka iyo danaha jiilalka mustaqbalka.