U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Turkiga oo ballaarinaya iskaashiga Waxbarashada Islaamka iyo Awqaafta

Ogoosto 5, 2026

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ku heshiiyey in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada waxbarashada Islaamka, adeegyada diinta, Sakada iyo horumarinta Awqaafta, iyadoo dowladda Turkiga ay ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ka dhashay kulan magaalada Ankara ku dhex maray Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo Madaxweynaha Hay’adda Diinta Turkiga ee Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada waxbarashada Islaamka, adeegyada diinta, horumarinta hay’adaha iyo wacyigelinta bulshada, iyadoo sidoo kale la xoojinayo iskaashiga farsamo ee lagu dhisayo laguna maamulayo Sanduuqa Sakada Soomaaliya iyo hay’adaha Awqaafta.

Madaxweynaha Diyanet-ka Turkiga ayaa sheegay in hay’addiisu ay sii wadi doonto taageerada barnaamijyada mudnaanta u leh Soomaaliya ee dhinaca arrimaha diinta, halka Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow uu soo dhaweeyey iskaashiga cusub, isagoo sheegay inuu gacan ka geysan doono xoojinta hay’adaha diinta iyo dib-u-habaynta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale xoojiyey wada-shaqaynta ka hor inta aan la dhaqan-gelin heshiis is-afgarad ah oo rasmi ka dhigaya iskaashiga labada dal ee arrimaha diinta, waxbarashada Islaamka, tababarrada iyo dhismaha hay’adaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u ansixisay hindise sharciyeed lagu ansixinayo heshiiska u dhexeeya Diyanet-ka Turkiga iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, waxaana la filayaa in hindisaha loo gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliya si loo meel mariyo, kaddibna heshiiska is-afgaradku u dhaqan galo.