Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in dib loo bilaabi karo wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, balse uu shardi ka dhigay in marka hore la fuliyo heshiisyadii hore ee ay labada dhinac gaareen.
Cirro ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Nairobi, xilli uu khudbad u jeedinayay safiirro, madaxda hay’adaha caalamiga ah iyo saaxiibbada horumarinta ee ku sugan Kenya.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay horey u muujisay inay diyaar u tahay wada-hadallada, balse uu ku dooday in heshiisyadii hore ee labada dhinac aan si buuxda loo fulin.
“Waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa saaxiibbadeenna caalamka inaysan ku ekaan dhiirrigelinta wada-hadalka, balse ay sidoo kale Soomaaliya ku dhiirrigeliyaan inay fuliso heshiisyadii hore loo gaaray,” ayuu yiri Cirro.
Wuxuu si gaar ah u tusaaleeyay maamulka hawada rayidka ah, oo uu sheegay inuu ka mid yahay heshiisyadii hore ee labada dhinac, balse aan weli la fulin sida uu sheegay.
Cirro ayaa sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaha Somaliland, isagoo sheegay in Muqdisho ay xoogga saarayso Somaliland halkii ay wax uga qaban lahayd caqabadaha siyaasadeed, amni iyo bani’aadantinimo ee ka jira gudaha Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin hadallada Madaxweynaha Somaliland.
Somaliland ayaa 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, iyadoo tan iyo xilligaas raadineysay aqoonsi caalami ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda si joogto ah u sheegta inay ilaalinayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna diiddan tahay madax-bannaanida Somaliland.