U bood dhigaalka

Refugees International Iyo Dowladda Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Beeraha Iyo Laqabsiga Cimilada

Ogoosto 8, 2026

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday hay’adda Refugees International (RI), oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha hay’adda, Jeremy Konyndyk, oo uu weheliyo Cabdullaahi Halakhe.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sugnaanta cuntada, adkeysiga bulshada iyo sidii maalgelinta beeraha loogu adeegsan lahaa soo kabashada hab-nololeedyada, gaar ahaan kuwa dadka barakacayaasha ah, iyo helidda xalal waara.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay u diyaar-garowga khataraha ka dhalan kara xaaladaha El Niño, oo ay ka mid yihiin daadadka, roobabka xad-dhaafka ah, waxyeellada dalagyada iyo barakaca bulshada.

Wasiir Maareeye ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo nidaamyada digniinta hore, maaraynta biyaha, waraabka iyo horumarinta beero u adkeysan kara isbeddelka cimilada, si loo yareeyo saameynta musiibooyinka loona ilaaliyo wax-soo-saarka beeraha.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday maalgelinta beeraha, horumarinta silsiladaha qiimaha wax-soo-saarka, dhismaha kaabayaasha miyiga iyo abuurista fursado shaqo oo loogu talagalay dhalinyarada iyo haweenka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Refugees International ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, si Soomaaliya looga taageero la qabsiga isbeddelka cimilada, soo kabashada hab-nololeedyada iyo dhismaha nidaam cunto oo adkeysi leh.