Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta wax-soo-saarka kalluumeysiga iyo sidii kalluumeysatada Soomaaliyeed ay si wanaagsan uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka badda dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta waaxda kalluumeysiga, kordhinta wax-soo-saarka iyo taageerada kalluumeysatada Soomaaliyeed, si loo xoojiyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in dhoofinta kalluunka Soomaaliya ee suuqyada caalamka ay korortay, isagoo tilmaamay in kobacaasi yahay horumar dhiirrigelin u ah waaxda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ee dalka.
Soomaaliya ayaa leh xeeb dheer iyo kheyraad badeed oo ballaaran, waxaana kordhinta wax-soo-saarka iyo dhoofinta kalluunka loo arkaa fursad muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado nololeed oo dheeraad ah oo ay helaan kalluumeysatada Soomaaliyeed.