Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay La-taliye Sare ahna Agaasime ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Mudane Talaal Binu Rashiid Al-Hajri.
Wafdiga ayaa Soomaaliya u yimid arrimo la xiriira maalgashiga wax-soo-saarka cuntada iyo horumarinta adeegyada caafimaadka. Waxa kale oo ay shalay heshiis dhinacyo badan ah la saxiixeen Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.
Kulanka ay la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha ayaa ahaa salaan sharafeed, iyadoo wafdigu ay soo gaarsiiyeen Ra’iisul Wasaare Xamsa farriimo ay ka wadeen madaxda Dowladda Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga, oo uu ku wehliyay Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi, uga warbixiyay horumarrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka samaysay dhinacyada amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale bogaadiyay xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo Qatar ay sii xoojinayaan iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan maalgashiga, wax-soo-saarka cuntada iyo adeegyada caafimaadka.