U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka Jawaabay Eedeymaha Hantidhowrka

Ogoosto 13, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedeymo ka soo baxay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, kuwaas oo la xiriiray habraaca diblumaasiyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda loo diro dalalka dibadda.

Wasiirka ayaa sheegay in diblumaasiyiinta Soomaaliya u dirtay safaaradaha iyo qunsuliyadaha dalka ay yihiin shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo meesha ka saaray in dibadda loo diro dad aan hore uga tirsanaan Wasaaradda.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka uu warbixin uu soo saaray ku sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay dibadda u dirtay 14 diblumaasi oo aan marin dhammaan shuruudihii iyo habraacyadii looga baahnaa, halka 19 shaqaale ahna la sheegay in aysan qaadan tababarkii diblumaasiyadeed ee looga baahnaa ka hor inta aan loo dirin howlahooda.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay wadahadallo uga socdaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud, si loo kala caddeeyo qodobada ay labada dhinac isku khilaafsan yihiin loona saxo wixii khaladaad ah ee jira.

Warbixinta Hantidhowrka ayaa ku baaqday in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay hagaajiso habraacyada shaqaaleysiinta, tababarka iyo dirista diblumaasiyiinta, iyadoo sidoo kale ka digtay khataraha ka dhalan kara haddii shaqaale loo diro hawlo diblumaasiyadeed iyaga oo aan helin diyaarintii iyo tababarkii loo baahnaa.

Arrintan ayaa hadda noqotay dood ka dhex taagan hay’adaha dowladda, iyadoo la sugayo natiijada wadahadallada u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka iyo haddii ay kasoo baxaan wax tallaabooyin ama caddeyn dheeraad ah.