Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha u magacaabay Mudane Cismaan Maxamed Cabdi oo ku magac dheer Cismaan Daallo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiir-ku-xigeenka cusub kula dardaarmay inuu si hufan oo xilkasnimo leh u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isagoo Alle uga baryay inuu ku asturo mas’uuliyadda loo dhiibay iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.
Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa kaddib markii Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate) uu iska casilay xilkii Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Wararka la xiriira is-casilaadda ayaa sheegayay in ay ka dambeysay khilaaf muddo soo jiitamayay oo u dhexeeyay isaga iyo Wasiirka Wasaaradda.
Sidaas darteed, magacaabista Cismaan Maxamed Cabdi ayaa noqonaysa tallaabo lagu buuxinayo xilka Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, xilli wasaaraddu ay door muhiim ah ku leedahay horumarinta ganacsiga, warshadaha iyo kobcinta wax-soo-saarka dalka.