Dowladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacawday Ku-xigeenka Madaxa Ergada Diblomaasiyadeed ee Mareykanka (Deputy Chief of Mission) ee Soomaaliya, iyadoo xilkeeda cusub ay ka bilaabayso Muqdisho bishan Agoosto 2026.
Stevens-Klitz waa diblomaasi muddo dheer ka tirsanaa Adeegga Diblomaasiyadda Sare ee Mareykanka, waxayna leedahay in ka badan 25 sano oo waayo-aragnimo diblomaasiyadeed ah, gaar ahaan dalalka Afrika, Bariga Dhexe iyo Yurub.
Ka hor inta aysan Soomaaliya imaan, waxay ahayd la-taliyaha arrimaha bulshada iyo xiriirka dadweynaha ee Safaaradda Mareykanka ee Senegal iyo Guinea-Bissau, halkaas oo ay xoogga saartay diblomaasiyadda dadweynaha iyo xiriirka bulshada.
Intii ay ku jirtay shaqadeeda diblomaasiyadeed, Stevens-Klitz waxay ka soo shaqeysay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Masar, Morocco, Jarmalka, Israel iyo Armenia, sidoo kalena xilal kala duwan ayay ka soo qabatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Washington.
Waxay si gaar ah uga shaqeysay dhisidda xiriirrada dowladaha, hay’adaha caalamiga ah, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah, iyadoo sidoo kale khibrad u leh arrimaha dhalinyarada, fursadaha dhaqaale, xorriyadda warbaahinta iyo ilaalinta hidaha dhaqanka.
Stevens-Klitz waxay kasoo jeedaa Cleveland, Ohio. Waxay shahaadada koowaad ee cilmiga adeegga diblomaasiyadda ka qaadatay Georgetown University, halka ay shahaadada Master-ka ee Strategic Studies ka qaadatay U.S. Army War College. Waxay sidoo kale ku hadashaa Faransiis, Jarmal, Ruush iyo Carabi.
Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa xilli Mareykanka iyo Soomaaliya ay sii xoojinayaan iskaashiga dhinacyada amniga, dowlad-dhiska iyo horumarinta, gaar ahaan taageerada hay’adaha amniga Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan.
Ruth Anne Stevens-Klitz ayaa hadda ka mid noqonaysa masuuliyiinta muhiimka ah ee ka shaqeyn doona xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Soomaaliya.