Muqdisho, Soomaaliya — Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar, oo ah hooyada dhashay Maxamed Ciise Daahir Yuusuf, ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Soomaaliya.
Wasiiradda ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Hooyo Safiyo iyo wiilkeeda Maxamed Ciise, iyadoo ku ammaanay dadaalka, dulqaadka iyo garab istaagga ay hooyadu u muujisay wiilkeeda intii uu ku guda jiray waxbarashada.
Khadiija Al-Makhzoumi ayaa sheegtay in Hooyo Safiyo ay tusaale wanaagsan u tahay hooyooyinka Soomaaliyeed ee u taagan horumarinta iyo waxbarashada ubadkooda. Waxay sidoo kale xustay in wasaaraddu ay garowsan tahay doorka muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed.
Sidaas darteed, Wasiiraddu waxay Hooyo Safiyo siisay fursad shaqo oo ka bilaabanaysa maanta, iyadoo sheegtay in tallaabadan loogu talagalay inay gacan ka geysato horumarinta nolosheeda iyo sii wadista waxbarashada carruurteeda.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray taariikhda iyo halganka nololeed ee Hooyo Safiyo iyo wiilkeeda, kuwaas oo Wasiiraddu si dhow uga dhageysatay xaaladdooda iyo dadaalkii horseeday guusha Maxamed Ciise.