Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka koonfureed ee magaalada, kaddib socdaal dhulka ah oo uu ku marayay deegaanno ka tirsan Galmudug.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu galabta la hadlo bulshada magaalada Gaalkacyo, iyadoo loo diyaariyay munaasabad lagu soo dhaweynayo iyo isu-soobax ka dhacaya Garoonka Ciyaaraha Gaalkacyo.
Booqashada Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Gaalkacyo ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo Puntland ay si weyn u adkaysay ammaanka dhankeeda magaalada.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladda magaalada, iyadoo Puntland ay walaac ka muujisay socdaalka Madaxweynaha, halka Galmudug ay sheegtay in booqashadu tahay mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh xaq u leeyahay.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna ku sugan Gaalkacyo, halkaas oo uu kulamo siyaasadeed iyo bulsho ka wado.