U bood dhigaalka

Ciidanka AUSSOM oo Roondo Amni ka Fuliyay Waddada Beletweyne iyo Ceelgaal

Ogoosto 18, 2026

Ciidanka Qaybta 4-aad ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa shalay roondo amni ka fuliyay waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalada Beletweyne iyo deegaanka Ceelgaal ee waqooyiga magaalada.

Ciidamada ayaa waddada ka sameeyay baaritaanno la xiriira miinooyinka iyo walxaha qarxa, ka hor inta aysan kolonyadu marin.

Sidoo kale, ciidanka lugta ayaa xaqiijiyay amniga waddada iyo dhulka ku hareeraysan, si loo hubiyo in marinku yahay mid ammaan ah.

Hawlgalka ayaa ujeedkiisu ahaa in la xaqiijiyo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo shacabka, badeecooyinka iyo ciidamada ammaanka ay si nabdoon ugu kala gudbi karaan waddada muhiimka ah.

AUSSOM ayaa sheegtay inay ka go’an tahay sugidda waddooyinka muhiimka ah, ilaalinta isu-socodka bulshada iyo taageeridda dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.