Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar safiir oo cusub oo loo soo magacaabay Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa nuqullada waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirrada kala matalaya Mali, Nigeria, Pakistan iyo Myanmar.
Safiirrada cusub ayaa kala ah Dr. Madou Diallo, Safiirka Mali; Danlami Ibrahim, Safiirka Nigeria; Aqsa Nawaz, Safiirka Pakistan; iyo Aung Min, Safiirka Myanmar.
Gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa astaan u ah bilowga rasmiga ah ee waajibaadka diblomaasiyadeed ee safiirrada cusub ee Soomaaliya, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ansixisay magacaabistooda.
Wasiir Cabdisalaan Cali ayaa soo dhoweeyay safiirrada cusub, isagoo xusay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta xiriirrada labageesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga ay la leedahay dalalka ay safiirradu matalaan.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ku xoojinayso xiriirrada ay la leedahay dalalka Afrika iyo qaaradaha kale, iyadoo diiradda la saarayo iskaashi dhinacyo badan leh.