U bood dhigaalka

Maamulka Dhuusamareeb Oo Soo Saaray Go’aanno Ku Saabsan Bilicda Magaalada Iyo Dhismayaasha Laamiga

Ogoosto 21, 2026

Maamulka dowladda hoose ee magaalada Dhuusamareeb, xarunta dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa soo saaray go’aanno iyo amarro cusub oo lagu hagaajinayo bilicda guud ee magaalada, gaar ahaan dhismayaasha iyo goobaha ganacsiga ee ku teedsan waddada laamiga ah ee dhowaan dib-u-dhiska lagu sameeyay.

Duqa magaalada Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geedaqorow), oo arrintan faahfaahinayay, ayaa caddeeyay in tallaabadani ay salka ku hayso sidii loo ilaalin lahaa muuqaalka caasimadda kaddib dadaalladii ballaarnaa ee lagu bixiyay dhismaha wadada laamiga ah.

Dib-u-dhiska Guryaha Qadiimiga Ah

Maamulka ayaa milkiilayaasha guryaha iyo dhismayaasha ku yaalla hareeraha laamiga ku amray inay dhisaan ama dayactiraan dhismayaasha burbursan iyo kuwa ka samaysan jiingadaha, si loogu beddelo dhismayaal dhagax ah oo bilicda kor u qaadaya.

Masaafada U Dhaxaysa Dhismayaasha Iyo Laamiga

Waxaa la faray ganacsatada iyo dadweynaha in meelaha bannaan ee u dhexeeya hantidooda iyo waddada laamiiga ah ay dhigaan daamurka yar-yar ama interlock-ga (dhagaxa laamiga la saaro), iyadoo la raacayo qorshaha dowladda hoose.

Xalinta Guryaha Maqan

Maamulka ayaa sheegay in sharcigu u oggolaanayo dowladda hoose inay wakiil ka noqoto dadka maqan ama hantida aan cidi joogin, iyadoo shirkado ama maalgashadayaal loo diri doono inay dhisaan goobahaas si aysan u noqon meelo foolxumo ku abuura waddada dhexmarto caasimadda.

Xaaladda Ganacsatada Yar-yar (Haweenka Qudaarta)

Iyadoo la tixgelinayo duruufaha nololeed ee ganacsatada danyarta ah, gaar ahaan haweenka qudaarta ku iibiya hareeraha waddada, maamulku wuxuu ballanqaaday in loo diyaarinayo suuqyo gaar ah oo ay si habaysan oo ganacsi ku dheehan tahay ugu adeegi karaan bulshada.

Maamulka caasimadda ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada amarradani aysan ahayn in dadka lagu dhibo balse ay tahay in kor loo qaado heerka magaalo-madaxnimo ee Dhuusamareeb, iyadoo qof walba loogu baaqay inuu ka qeyb qaato horumarka iyo bilic-soo-celinta magaalada.