U bood dhigaalka

Ciidamada Turkiga oo wali ku hareeraysan markab hub u siday Soomaaliya

Ogoosto 22, 2026

MUQDISHO — Ciidamada Turkiga ayaa wali si dhow ula socda markabka M/V LUTUF, oo ay burcad-badeed Soomaali ah ka afduubteen xeebaha Puntland, xilli markabka la sheegay inuu siday hub iyo qalab isgaarsiineed oo ku socday xarunta tababarka ciidamada Turkiga ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in laba markab oo ay leeyihiin dhinaca Turkiga ay ku dhowaadeen goobta uu ku sugnaa markabka la afduubtay, halka diyaarado helicopter ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Turki ah ay hawada ka sameeyeen kormeer.

Markabka LUTUF, oo sita calanka Cameroon, ayaa 17-kii Agoosto lagu qabsaday meel u dhow xeebta Marraya ee degmada Eyl, waxaana la sheegay in siddeed nin oo hubeysan ay la wareegeen. Markabka ayaa markii dambe loo kaxeeyay dhanka xeebaha Nugaal.

Sida ay sheegayaan wararka, markabka waxaa saarnaa 10 shaqaale ah, oo ay ku jiraan lix Hindi ah, hal Turki ah, hal Joorjiyaan ah iyo laba ilaalo oo Serbian ah. Xogihii ugu dambeeyay ee laga helay dhinaca Hindiya ayaa tilmaamaya in badmaaxiinta Hindida ah ay badqabaan.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib markii la sheegay in doon yar oo qaad u geysay kooxaha markabka haysta ay dib ugu laabatay xeebta, ka dibna ay dhacday duqeyn cirka ah oo lagu dilay afar qof, laba kalena lagu dhaawacay. Hase yeeshee, cidda fulisay duqeynta si rasmi ah looma xaqiijin, mana cadda in dadka la bartilmaameedsaday ay dhammaantood ka tirsanaayeen burcad-badeedda afduubtay LUTUF.

Dhanka kale, dowladda Turkiga wali si rasmi ah ugama hadlin faahfaahinta dhacdadan, waxaana weli socda dadaallo lagu xaqiijinayo xaaladda markabka, shaqaalaha iyo xamuulka saaran.

Dhacdadan ayaa muujinaysa in afduubka LUTUF uu noqday arrin xasaasi ah oo ku lug leh amniga badda Soomaaliya iyo danaha militari ee Turkiga.