U bood dhigaalka

Ku dhawaad 10 qof oo ku dhaawacmay iska horimaad ka dhashay burburinta guryaha Muqdisho

Ogoosto 23, 2026

Wararka laga helayo degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 qof ay ku dhaawacmeen iska horimaad dhexmaray ciidamo dowladeed iyo shacab ka hor yimid hawlgal lagu burburinayay guryo ku yaalla Xaafadda Tookiyo.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay sameeyeen banaanbax ay kaga soo horjeedaan ciidanka, kadib markii loo sheegay in laga saarayo dhulkaasi oo dowladda ay sheeganayso inuu yahay dhul ay leedahay.

Sawirro la faafiyay ayaa muujinaya dhalinyaro dhaawac ah oo la dhigay qaar ka mid ah isbitaallada Muqdisho.

Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa xilli muranka ku saabsan lahaanshaha dhulka iyo burburinta guryaha shacabka uu Muqdisho ka taagan yahay muddooyinkii u dambeeyay.