Dowladda Turkiga ayaa shaacisay inaysan wax xog ah ama war ah ka haynin duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacay xeebaha maamul-goboleedka Puntland, halkaas oo lagu dilay dad isugu jiray kalluumeysato iyo shakhsiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsanaayeen kooxaha burcad-badeedda Soomaalida.
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa u sheegay warbaahinta in dowladdiisu aysan waxba ka ogeyn weerarrada ay diyaaradaha dagaalku ka fuliyeen xeebaha Puntland.
Duqeymahan ayaa maalmihii u dambeeyay ka socday aagga lagu haysto markabka xamuulka qaada ee MV Latuf, kaas oo la sheegay inuu u rarnaa dalka Turkiga ka hor inta aysan burcad-badeeddu gacanta ku dhigin.
Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa si adag u cambaareeyay duqeyntaas oo shalay deegaanka Jiifle ee hoos yimaada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal ku dishay 9 qof.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Puntland, Bile Maxamuud Qabowsade, ayaa sheegay in dilalka noocan ah ee aan maxkamad la horgeyn ay ka horimaanayaan shuruucda caalamiga ah, isagoo ku adkeeyay in xitaa haddii dadkaasi dambiilayaal ahaayeen ay ahayd in loo maro habraac sharci ah.
Weerarradan cirka ah ayaa cabsi xooggan ku beeray dadka shacabka ah ee ku nool tuulooyinka iyo xeebaha ku dhow goobaha la garaacay, waxaana la soo warinayaa in qoysas badan ay ka barakaceen guryahoodii iyaga oo ka baqaya in duqeymo kale ay haleelaan.