U bood dhigaalka

20 Senator oo aan fasax rasmi ah haysan oo ka maqnaa kulankii Aqalka Sare

Ogoosto 26, 2026

MUQDISHO — Xafiiska Hab-dhowrka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska 20 Senator oo ka maqnaa kulankii 1-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Aqalka Sare, kuwaas oo, sida lagu sheegay qoraalka, aan haysan fasax rasmi ah oo maqnaanshahooda sabab uga dhiga.

Qoraalka Xafiiska Hab-dhowrka oo ku taariikhaysan 26-ka Agoosto 2026 ayaa lagu sheegay in xubnaha ka maqnaa kulanka ay ka mid yihiin Cabdi Axmed Dhuhulow (Dhagdheer), Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Farole), Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan), Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, Daahir Ayaanle Saciid, Dr. Xuseen Maxamed Daahir, Farxaan Cali Maxamuud, Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karama, Farxaan Cali Xuseen, Xasan Daahir Yare, Xasan Idow Muxumed (Kobac), Leyla Axmed Ismaaciil, Maryan Faarax Kahiye, Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley), Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, Saciid Sayid Shirwac, Samiira Maxamuud Xaaji, Axmed Maxamed Saciid, Cabdihakim Macallin Axmed Maalin iyo Saalax Axmed Jaamac.

Xafiiska Hab-dhowrka ayaa xusay in dhammaan 20-ka Senator ay kulanka ka maqnaayeen iyaga oo aan haysan fasax rasmi ah. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Aqalka Sare uu bilaabay Kalfadhiga 8-aad, iyadoo xaadirista iyo ka qaybgalka kulamada ay qayb muhiim ah ka yihiin gudashada waajibaadka xubnaha Aqalka Sare.