Hoggaamiyeyaasha Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Midowga Afrika (AU) ayaa ku baaqay in dalalka Afrika ay xoojiyaan isku-filnaanshahooda dhinaca caafimaadka, si qaaraddu uga gudubto ku-tiirsanaanta maalgelinta iyo adeegyada caafimaad ee dibadda.
Baaqan ayaa ka soo baxay kulanka 76-aad ee Guddiga Gobolka Afrika ee WHO oo ka socda magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, kaas oo ay ka qeybgalayaan wasiirrada caafimaadka Afrika iyo madaxda hay’adaha caafimaadka ee heer gobol iyo heer caalami.
Agaasimaha Gobolka Afrika ee WHO, Maxamed Yacub Janabi, ayaa sheegay in Afrika ay sannad kasta ku bixiso ku dhawaad 7 bilyan oo doollar kharashaadka la xiriira bukaannada dibadda loogu diro daaweyn.
Janabi ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la horumariyo xarumaha caafimaadka ee Afrika, lana isku xiro bukaannada Afrika iyo khubarada caafimaad ee qaaradda, si maalgelinta caafimaadku ugu sii nagaato gudaha Afrika.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa isna sheegay in Afrika ay u baahan tahay inay kordhiso wax-soo-saarka gudaha, gaar ahaan tallaallada iyo dawooyinka, isla markaana ay maalgelin badan ku sameyso cilmi-baarista iyo hal-abuurka caafimaadka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in isku-filnaanshaha caafimaadku uu yahay arrin muhiim u ah mustaqbalka qaaradda, iyadoo dalalka Afrika ay wajahaan cudurro dillaaca, isbeddelka cimilada iyo colaado saameeya adeegyada caafimaadka.
Madaxweynaha Itoobiya, Taye Atske Selassie, oo marti-sharaf ka ahaa kulanka, ayaa sheegay in isbeddelka cimilada iyo colaadaha ay cadaadis sii kordhaya ku hayaan bulshada Afrika, isla markaana ay sababeen barakac iyo xaalado bani’aadamnimo oo ka gudba xuduudaha dalalka.
Kulanka WHO ee Afrika ayaa lagu wadaa inuu socdo illaa Jimcaha, iyadoo lagu ansixin doono siyaasado, istaraatiijiyado iyo qorshayaal cusub oo lagu horumarinayo caafimaadka iyo natiijooyinka caafimaad ee guud ahaan qaaradda.
Ujeeddada ugu weyn ee hoggaamiyeyaashu waa in Afrika ay yeelato nidaam caafimaad oo isku filan, iyadoo xoogga la saarayo maalgelinta gudaha, wax-soo-saarka dawooyinka iyo tallaallada, cilmi-baarista iyo horumarinta xarumaha caafimaadka ee qaaradda.