U bood dhigaalka

FAO-SWALIM oo Digniin ka Soo Saartay 388 Goobood oo uu Webiga Shabeelle Ka Fatahi Karo Xilliga La Filayo El Niño

Ogoosto 27, 2026

FAOSWALIM ayaa shaacisay xog cusub oo ku saabsan xaaladda Webiga Shabeelle, iyadoo Agoosto 2026 lagu diiwaangeliyey 388 meelood oo webiga ah oo leh xaalado la xiriira fatahaad, furfurnaan iyo xannibaado.

Xogta ayaa muujinaysa in 150 meelood ay biyuhu ka baxeen jiinka webiga, halka 147 meelood ay yihiin meelo furan, 66 meelood ay la kulmeen fatahaad kanaallo, halka 25 meelood ay yihiin meelo xiran.

FAOSWALIM waxay sheegtay in xogtan, oo diiradda lagu saaray meelaha ugu nugul, ay muhiim u tahay diyaargarowga iyo qaadista tallaabooyinka degdegga ah ka hor inta aysan fatahaaduhu dhicin, gaar ahaan xilli la filayo in saameynta El Niño ay sii xoogaysato.

Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in la ballaarin doono goobaha xogta laga ururinayo marka la helo kheyraad ku filan, si loo helo sawir dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda Webiga Shabeelle iyo khataraha fatahaadaha.