MUQDISHO — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey in Mudane Cabdiraxiim Cabdi Abiikar loo dalacsiiyo darajada Danjiranimo.
Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu faray mas’uuliyiinta la ansixiyey inay si hufan, daacadnimo iyo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday.
Ansixinta xubinta cusub ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo geeddi-socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Federaalka Soomaaliya.