Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku dhawaaqay in ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya ay si buuxda uga bixi doonaan dalka 1-da Agoosto 2027.
Jeneraal Muhoozi ayaa qoraal uu 28-kii Agoosto ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in wixii ka dambeeya taariikhdaas aysan Soomaaliya ku sii jiri doonin wax ciidamo ah oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF).
Uganda ayaa Soomaaliya ciidamo u dirtay tan iyo 2007, iyadoo noqotay dalkii ugu horreeyay ee ciidamo geeya Soomaaliya xilligii howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamada Uganda ayaa markii dambe qayb ka noqday ATMIS, waxaana hadda ay ka hawlgalaan AUSSOM.
Ku dhawaaqista ayaa timid xilli howlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhanka maalgelinta iyo taageerada saadka ah. Shir ay Uganda martigelisay bishii July ayay dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM kaga wada hadleen mustaqbalka howlgalka iyo sidii loo heli lahaa maalgelin waarta.
AUSSOM ayaa sidoo kale wajahaya hubanti la’aan ku saabsan taageerada saadka ee Qaramada Midoobay, iyadoo UNSOS lagu wado inuu soo gabagabeeyo hawlgalladiisa 31-ka Diseembar 2026.
Saameynta ay Soomaaliya ku yeelan karto
Uganda waxay muddo ku dhow labaatan sano door weyn ku lahayd dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo taageerada ciidamada ammaanka Soomaaliya. Sidaas darteed, haddii qorshaha bixitaanka la fuliyo, wuxuu noqon karaa isbeddel weyn oo ku yimaada qaab-dhismeedka amniga Soomaaliya, gaar ahaan haddii aan la helin qorshe cad oo lagu buuxinayo kaalinta ciidamada baxaya.