U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka XDS oo Baaris Hordhac ah Ka Bilaabay Muuqaal Muujinaya Tacaddi Loo Geystay Maxbuus Dagaal

Ogoosto 31, 2026

Taliska Ciidanka XDS ayaa sheegay inuu bilaabay baaris hordhac ah oo ku saabsan muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay, kaas oo muujinaya tacaddi loo geystay maxbuus dagaal xilli uu socday howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab.

Taliska ayaa sheegay in falka muuqaalka ka muuqda uu si cad uga hor imaanayo xeerarka anshaxa iyo nidaamka ciidanka, iyo sidoo kale shuruucda dagaalka ee ciidanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabo sharci iyo mid ciidan oo adag laga qaadi doono xubinkii lagu helo inuu ku xadgudbay xeerarka dagaalka, xuquuqda maxaabiista iyo xuquuqda aadanaha.

Taliska Ciidanka XDS ayaa sidoo kale uga digay dhammaan xubnaha ciidanka inay ku kacaan falal noocan oo kale ah, isagoo xusay in cid kasta oo lagu helo xadgudub ay wajihi doonto tallaabo waafaqsan sharciga iyo nidaamka ciidanka.

Baarista ayaa la sheegay inay tahay mid hordhac ah, iyadoo natiijada iyo tallaabooyinka ka dhalan kara ay ku xirnaan doonaan waxa ay soo saaraan baaritaannada socda.