U bood dhigaalka

Magaalada Muqdisho oo ka go’ay Gaaska cuntada lagu karsado, qiimihiisana uu kordhay 42%

Sebteembar 2, 2026

Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa gabaabsi ku yimid gaaska cuntada lagu karsado, iyadoo haamaha yar ee laga heli karo suuqyada ay qiimahoodu sare u kaceen boqolkiiba 42%, sida ay sheegeen dadka adeegsada.

Kororka qiimaha iyo yaraanta gaaska ayaa saameyn ku yeeshay qoysas badan, maqaayado iyo hoteello ku tiirsan gaaska.

Gaaska oo horey muhiim ugu ahaa nolol-maalmeedka shacabka ayaa hadda noqday mid adag in la helo.

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay yaraanta gaaskan cusub, balse arrintan ayaa shacabka ku soo beegantay xilli ay horeyba u jireen culaysyo dhinaca qiimaha nolosha ah.