U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Daahfurtay Siyaasad Qaran oo Lagu Xoojinayo Ilaalinta Rayidka Xilliyada Hawlgallada Milatari

Sebteembar 5, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daahfurtay Siyaasadda Qaranka ee Ilaalinta Rayidka Xilliyada Hawlgallada Milatari iyo Colaadaha Hubeysan, taas oo lagu xoojinayo ilaalinta nolosha, sharafta iyo xuquuqda dadka rayidka ah.

Siyaasaddan waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, munaasabad ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday hay’adaha ay khuseyso.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ilaalinta rayidka ay tahay waajib qaran iyo mid dastuuri ah, isaga oo xusay in siyaasaddan ay qeyb muhiim ah ka tahay dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo xirfad leh, nidaamsan oo leh isla-xisaabtan.

Siyaasadda cusub ayaa dowladda siinaysa hannaan lagu ilaalinayo dadka rayidka ah inta ay socdaan hawlgallada milatari iyo xilliyada colaadaha hubeysan, iyadoo xoogga la saarayo dhowrista sharciga, xuquuqda aadanaha iyo isla-xisaabtanka hay’adaha amniga.

Daahfurka siyaasaddan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka.
Dowladdu waxay sheegtay in ilaalinta rayidka ay muhiim u tahay dhismaha nidaam amni oo ay hoggaaminayaan ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilli masuuliyadda hawlgallada amniga ay si weyn ugu soo wareegeyso ciidamada dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in siyaasaddan ay tallaabo muhiim ah u tahay xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda shacabka iyo dadaallada lagu gaarayo nabad iyo amni waara.

Dowladda Federaalka ayaa mar kale ku celisay inay ka go’an tahay ilaalinta rayidka iyo dhowrista xuquuqdooda inta lagu jiro hawlgallada milatari iyo xaaladaha colaadaha hubeysan.