U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Baaq Caalami ah ka Dirtay Khataraha Budhcad-badeedda

Sebteembar 6, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay dib u soo noqoshada falalka budhcad-badeednimada ee ka socda xeebaha waqooyi-bari ee Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay iskaashi mideysan ka geystaan ciribtirka shabakadaha dambiyada badda.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tan iyo bishii April 2026, maraakiib ganacsi lagu weeraray ama lagu qabsaday dhacdooyin ku fiday ilaa Gacanka Cadmeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay dhammaan shaqaalaha maraakiibta ee ay saameeyeen falalkan iyo qoysaskooda, iyadoo dalbatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan badmaaxiinta weli gacanta ugu jira kooxaha budhcad-badeedda.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidamada Soomaaliya ay tallaabooyin ka wadaan badda iyo dhulka si loo burburiyo shabakadaha budhcad-badeedda, iyadoo la tilmaamay howlgal lagu soo furtay markabkii xamuulka ahaa ee MV Lutf, kaas oo la afduubtay, isla markaana la xoreeyay 29-kii Agoosto.

Dowladdu waxay sheegtay in howlgalada ka dhanka ah kooxahan ay sii socon doonaan, isla markaana amniga badda Soomaaliya lagu wajahayo hannaan qaran oo ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqday in saaxiibada caalamiga ah ay taageeraan ciidamada badda Soomaaliya iyagoo ku shaqeynaya qaab-dhismeedka amniga qaranka ee dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xustay in kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan la soo sheegin iyo kan aan nidaamsanayn uu xadgudub ku yahay xuquuqda badeed ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Soomaaliya ayaa sheegtay inay arrintan horgeyn doonto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, maadaama ay hadda xubin ka tahay Golaha, isla markaana ay la shaqeyn doonto dalalka iyo hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn caddeysay inaysan oggolaan doonin in biyaha Soomaaliya ay noqdaan goob ay gabaad ka helaan dambiyada ka dhaca badda.