Muqdisho, Soomaaliya – Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum), kaas oo isu keenaya hay’adaha dowladda, warbaahinta, bulshada rayidka ah, bah-wadaagta horumarinta iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.
Shirweynahan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta istiraatiijiyadda xiriirka iyo isgaarsiinta, kor u qaadidda wada-shaqeynta dowladda iyo warbaahinta, iyo sidii loo horumarin lahaa hababka casriga ah ee warbaahinta iyo gudbinta xogta.
Inta uu shirku socdo, waxaa si gaar ah looga hadli doonaa anshaxa saxaafadda, isbeddellada degdegga ah ee ku socda warbaahinta casriga ah, iyo fursadaha iyo caqabadaha ka dhashay adeegsiga Garaadka Gacameedka (Artificial Intelligence – AI) ee dhinacyada warbaahinta iyo isgaarsiinta.
Shirkan waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, qubaro ku takhasusay warbaahinta iyo isgaarsiinta, xubno ka socda bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madasha ayaa la filayaa inay noqoto goob muhiim ah oo lagu falanqeeyo mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya, iyadoo la isku dhaafsanayo fikrado, khibrado iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa xiriir warbaahineed oo hufan, mas’uuliyad leh, isla markaana la jaanqaadi kara horumarka tiknoolajiyadda casriga ah.