U bood dhigaalka

Wasiirka Qorsheynta oo Qaabilay Ku-simaha Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Sebteembar 7, 2026

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wakiilka, Marwo Jing Song.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Wasaaradda Qorsheynta iyo UNHCR, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta, isku-duwidda, kormeerka iyo qiimeynta barnaamijyada hay’adda, si ay ula jaanqaadaan mudnaanta ku xusan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca xogta iyo caddaymaha, iyadoo ujeedadu tahay in la taageero qorsheynta iyo go’aan-qaadashada ku saleysan xog sugan.

Wasiirka iyo Ku-simaha Wakiilka UNHCR ayaa isku raacay in la horumariyo qaab iskaashi oo cusub, kaas oo si cad u qeexaya meelaha mudnaanta leh, hababka isku-duwidda iyo doorarka labada dhinac, si loo sii xoojiyo wada-shaqeynta loona taageero hirgelinta mudnaanta horumarineed ee qaranka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu gorfeeyay qabanqaabada kulan gaar ah oo lagu maamuusayo 75-guurada Axdiga Qaxootiga ee 1951, kaas oo la qorsheeyay in la qabto inta uu socdo Kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA).