U bood dhigaalka

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Yemen oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladda Yemen

Sebteembar 13, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Jamhuuriyadda Yemen, Dr. Afrah Abdulaziz Al-Zouba.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Yemen, iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee ka socda dalka Yemen.

Wasiir Cabdisalaan Cali ayaa mar kale xaqiijiyay mowqifka Soomaaliya ee taageerada midnimada, amniga iyo xasilloonida Yemen.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa adkeeyay danaha wadajirka ah ee ay leeyihiin labada dal ee deriska ah, kuwaas oo ay kala qaybiyaan gacanka Cadmeed, gaar ahaan iskaashiga dhinaca ammaanka badda iyo ilaalinta badqabka maraakiibta iyo socdaalka caalamiga ah ee badda.
Wadahadalkan ayaa muujinaya muhiimadda ay Soomaaliya iyo Yemen siinayaan xoojinta iskaashiga gobolka, iyadoo labada dal ay wadaagaan dano istiraatiiji ah oo la xiriira amniga iyo xasilloonida marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed.