Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay waddo qorshe dib loogu soo celinayo dalka ku dhowaad 1,900 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo haatan ku sugan dalka Jarmalka.
Qorshahan oo la filayo inuu dhaqangalo bisha Oktoobar ee soo socota ayaa qeyb ka ah dadaallo la xiriira maaraynta arrimaha socdaalka iyo dib-u-dejinta dadka aan sharciga degenaanshaha ka helin waddamada Yurub.
Sida ay faafiyeen warbaahinta maxalliga ah, tiradan ballaaran ayaa la qorsheynayaa in marxalado kala duwan dalka dib loogu soo celiyo, iyadoo xogta la helay ay muujinayso in arrintani ay daba socoto wadahadallo iyo is-afgaradyo dhexmaray saraakiisha labada dal oo ku saabsan fududeynta soo laabashada muwaadiniinta aan haysan oggolaanshaha joogtada ah ee dalka Jarmalka.
Tirokoobyada rasmiga ah ee laga soo xigtay Baarlamaanka Jarmalka ayaa tilmaamaya in saddexdii sano ee u dambaysay ay hooseysay tirada dadka Soomaalida ah ee dalkaas laga masaafuriyay, iyadoo wadar ahaan dib loo soo celiyay 77 qof oo keliya intii u dhaxaysay 2023 iyo 2025. Xogtaas ayaa muujinaysa in 19 qof la masaafuriyay sanadkii 2023, 12 qof sanadkii 2024, halka sanadkii 2025 ay tiradu gaartay 46 qof.
Haddii tallaabadan cusub ee la hadal-hayo ay u hirgasho sidii loo qorsheeyay, waxay noqon doontaa tiradii ugu ballaarnayd ee hal mar laga soo celiyo dalka Jarmalka muddooyinkii u dambeeyay, taas oo sidoo kale culeys ku noqon karta qorshayaasha dib-u-dhexgalka bulshada iyo fursadaha shaqo ee dalka ka jira xilli ay Soomaaliya la daalaa-dhacayso duruufo dhaqaale iyo mid bini’aadannimo.
Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka midkoodna weli si rasmi ah uma xaqiijin tirada saxda ah ee 1,900 qof, jadwalka ay ku bixi doonaan duullimaadyada soo daabulaya, iyo xaaladda sharciga ee qof kasta oo ka mid ah dadkaas, waxaana xogtan ay weli ku kooban tahay warbixinno warbaahineed oo sugaya xaqiijin dowladeed.