Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujiyay xarigga sharci-darada ah ee lagula kacay suugaan-yahan iyo wariyeyaal, kuwaas oo loo xiray amar maxkamadeed la’aan.
Warsaxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in suugaan-yahan Ismaaciil Yuusuf (Jiheeye) iyo wariye Cabdiqani Xuseen Abokor (Baylood) ay ciidamada ammaanku xireen iyadoo aysan jirin wax waaran maxkamadeed ah, waxaana xariggooda la xiriiriyay gabay dhowaan la tiriyay oo la faafiyay.
Labada nin ayaa weli ku jira xabsiga iyadoo aan wax maxkamad ah la horkeenin, ayadoo dhinaca kale, guddiga uu xaqiijiyay in wariye Xasan Saleebaan Haaruun (Galaydh), oo ay ciidamada baarista dambiyada ee CID-du qabteen 10-kii bishan Sebteembar, la sii daayay taariikhdu markay ahayd 12-ka Sebteembar.
Wariye Galaydh ayaa guddiga u xaqiijiyay inaan wax jir-dil ah loo geysan intii uu xirnaa, balse lagu qabtay hab-raac aan waaran maxkamadeed lahayn.
Guddiga Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa ku baaqay in la dhowro xorriyadda hadalka iyo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta, iyadoo booliska iyo hay’adaha garsoorkuna aysan ilaa hadda soo bandhigin eedeymo rasmi ah oo maxkamadeed ama bayaan ka jawaabaya sheegashada xarigga sharci-darrada ah.