U bood dhigaalka

Muqdisho oo si rasmi ah looga furay Shirweynaha Qaran ee Adeegyada Cimilada Soomaaliya

Sebteembar 14, 2026

Muqdisho, Sebteembar 13, 2026 – Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah looga furay Shirweynaha Qaran ee Adeegyada Cimilada Soomaaliya (NCOF OND 2026), kaas oo diiradda lagu saarayo saadaasha cimilada iyo xogaha la xiriira isbeddelka cimilada.

Shirweynahan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo adeegsiga xogta cimilada, kor loogu qaado diyaar-garowga bulshada iyo hay’adaha dowladda, isla markaana go’aan qaadashada lagu saleeyo xog iyo saadaal cimiladeed oo sax ah.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, khubaro ku takhasustay arrimaha cimilada, hay’ado iyo daneeyayaal kala duwan oo ka shaqeeya saadaasha hawada iyo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.

Shirweynaha ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato xoojinta iskaashiga hay’adaha kala duwan iyo horumarinta adeegyada saadaasha cimilada, xilli Soomaaliya ay wajahaysay saameyn xooggan oo ka dhalatay isbeddelka cimilada, oo ay ka mid yihiin abaaro iyo xaalado cimilo oo isbeddelaya.