Suuqyada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad-goboleedka Puntland ayaa laga soo sheegayaa koror xooggan oo ku yimid qiimaha raashinka aasaasiga ah, arrintaas oo culeys dhaqaale ku keentay qoysaska danyarta ah ee ku nool deegaanka.
Wararka la helayo ayaa muujinaya in qiimaha kiishka sonkorta ah uu kor uga kacay

32.7, halka kiishka bariiska ah uu isna gaaray 26, halka markii hore uu ahaa 23.
Sidoo kale, kiishka burka ah ayaa qiimihiisu kordhay oo noqday

22, ayadoo
Sicir-bararkani uu sidoo kale saameeyay badeecadaha kale ee maalinlaha ah, waxaana kartoonka baastada ah uu haatan marayo 11, halka markii hore uu ahaa 9, halka caagadda saliidda cuntada ahna ay gaartay

4.5
.
Dhinaca kale, waxaa jira aragtiyo kala duwan oo ku aaddan waxa dhaliyay kororkan degdegga ah, waxaana qaar ka mid ah ganacsatada deegaanku ay sababta ku xireen saameynta colaadda Bariga Dhexe iyo kororka ku yimid qiimaha shidaalka caalamka, halka warbixinno kale ay tilmaamayaan in arrintani ay la xiriiri karto muran ka dhashay canshuuraha iyo khidmadaha lagu kordhiyay Dekedda Boosaaso.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sababta rasmiga ah ee keentay sicir-bararkan, mana jiro bayaan rasmi ah oo maamulka degmada ama wasaaradda ganacsiga Puntland ay ka soo saareen xaaladda suuqyada.