Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti.
Wasiirka ayaa halkaasi u tegay si uu u hoggaamiyo wafdiga Soomaaliya ee ka qaybgalaya Kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD.
Shirkan ayaa isu keenaya Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah IGAD, iyadoo looga arrinsan doono arrimo muhiim u ah dalalka gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya waddamada Geeska Afrika.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee kalfadhigan ayaa muujinaya doorka firfircoon ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadanayso arrimaha gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD.
Wasiirka Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa la filayaa inuu kulamo iyo wada-hadallo la yeesho mas’uuliyiinta ka qaybgalaysa shirka, iyadoo diiradda la saarayo danaha Soomaaliya iyo iskaashiga gobolka.