Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD, kaas oo maanta lagu qabtay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa hoggaaminayay wafdiga Soomaaliya ee ka qayb galay kulanka.
Kalfadhiga waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah IGAD, kuwaas oo diiradda saaray arrimo muhiim u ah gobolka, gaar ahaan nabadda iyo amniga, xoojinta wadajirka dalalka xubnaha ka ah ururka iyo dib-u-habaynta hay’adaha IGAD.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo caqabado siyaasadeed, amni iyo bani’aadamnimo oo u baahan iskaashi iyo isku-duubni dheeraad ah oo dhex mara dalalka gobolka.
Soomaaliya ayaa kulanka ka muujisay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga gobolka iyo doorka IGAD ee wax ka qabashada arrimaha saameeya nabadda, amniga iyo horumarka dalalka xubnaha ka ah ururka.