Xuutiyiinta Yemen ayaa qaaday weerarro cusub oo ay ku beegsanayaan gudaha Sacuudiga, xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada Yemen, isla markaana ay hakadeen dadaalladii diblomaasiyadeed ee lagu doonayay in dib loogu furo Marin-biyoodka Hormuz oo muhiim u ah isu-socodka shidaalka caalamka.
Sida ay Reuters werisay, Xuutiyiinta ayaa Isniintii sheegay inay dhowr iyo toban gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen saldhigga cirka ee Khamis Mushait ee koonfurta Sacuudiga.
Waxay sheegeen in weerarka lagu bartilmaameedsaday hangarrada diyaaradaha, nidaamyada radar-ka, runway-yada iyo bakhaarada rasaasta.
Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama Yemen ayaa sheegay in weerarradaasi ay ku dhaawacmeen 13 qof oo rayid ah, halka maamulka Sacuudigu uu digniino degdeg ah ka bixiyay Khamis Mushait iyo saddex magaalo oo kale oo ku yaalla koonfurta dalka.
Weerarradan ayaa imanaya iyadoo Xuutiyiintu maalmihii u dambeeyay ay ballaarinayeen dhaq-dhaqaaqooda milatari, gaar ahaan xeebaha galbeed ee Yemen ee ku teedsan Badda Cas.
Saraakiil ka tirsan dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay weli si wax ku ool ah u maamulaan inta badan xeebaha galbeed ee dalka, oo ay ku jirto jasiiradda Perim, oo ku taalla afka laga galo Badda Cas.
Dhanka kale, ciidamada cirka Sacuudiga iyo kuwa dowladda Yemen ayaa kordhiyay duqeymaha ay ku qaadayaan goobaha ay Xuutiyiintu maamulaan, oo ay ku jiraan deegaanada ku dhow dekedda taariikhiga ah ee Mocha.
Saraakiil Yemeni ah ayaa sheegay in inkastoo Xuutiyiinta cadaadis milatari lagu hayo, haddana ay iyaguna kordhinayaan weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah Sacuudiga.
Xiisadda ayaa sidoo kale cadaadis ku sii kordhinaysa dhoofinta shidaalka Sacuudiga, kaddib markii weerar cirka ah oo dhacay Khamiistii uu shaqada ka joojiyay dhuumaha shidaalka ee isku xira bariga iyo galbeedka dalka.
Riyadh ayaa weerarka ku eedeysay maleeshiyaad Iran taageerto oo ka howlgala Ciraaq.
Dhuumahaasi oo dhererkoodu yahay ku dhowaad 1,200 kiiloomitir ayaa Sacuudigu u dhisay inuu shidaalka uga gudbiyo Gacanka una diro Badda Cas, taasoo u oggolaanaysa inuu ka fogaado Marin-biyoodka Hormuz haddii marin-biyoodkaasi halis galo.
Ganacsatada shidaalka ayaa sheegay in haddii dhuumahaasi muddo dheer xirnaadaan, iyadoo Hormuz-na uu si weyn u xanniban yahay, ay suuragal tahay in saameyntu gaarto ilaa 4 boqolkiiba sahayda shidaalka adduunka.
Qiimaha saliidda cayriin ayaa Isniintii kor u kacay in ka badan 4 boqolkiiba, inkastoo uu markii dambe ku soo xirnaa koror ku dhow 1 boqolkiiba.
Mareykanka oo ka gaabsanaya faragelin toos ah
Dagaalka cusub ee Yemen ayaa caqabad kale ku noqday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Saddex ilo-wareed oo Reuters la hadlay ayaa sheegay in Washington ay ilaa hadda ka gaabsatay codsiyada Sacuudiga ee ku aaddan faragelin militari oo toos ah, iyadoo taageerada Mareykanka ay inta badan ku kooban tahay xogta sirdoonka.
Trump ayaa sheegay inuu dhammaadka toddobaadkii la hadlay dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, halka Xuutiyiintuna ay Washington kala xiriireen inay Mareykanka ka fogaato dagaalka.
Warbaahinta dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in Maxamed bin Salmaan uu Isniintii magaalada Jeddah kula kulmay Admiral Brad Cooper, oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee gobolka.
Dhanka kale, rajadii laga qabay in xiisadda gobolka lagu dejiyo wada-hadal ayaa sii yaraanaysa.
Cumaan ayaa qorsheynayay inuu Isniintii martigeliyo kulan ay Iran iyo dalalka Khaliijku kaga wada hadlaan sidii dib loogu furi lahaa Marin-biyoodka Hormuz. Hase yeeshee, kulanka ayaa dib loo dhigay.
Trump ayaa mar kale sheegay in Iran ay diyaar u tahay heshiis degdeg ah, balse Mohsen Rezaei, oo ka tirsan Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa hadalkaas ku tilmaamay wax mashquulinaya, isagoo sheegay inaysan jiri doonin wada-hadallo ilaa shuruudaha Iran la buuxiyo.
Xiisadda badda ayaa sidoo kale sii kordhisay walaaca laga qabo maraakiibta isticmaasha Hormuz.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay in markabka shidaalka El Gaia, oo sita calanka Panama, uu ku dhacay miinooyin badeed isagoo marayay aag Iran ay mamnuucday oo ku yaalla koonfurta Hormuz.
Hase yeeshee, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa si degdeg ah u beeniyay sheegashadaas, isagoo sheegay in markabka uu bishii hore ku dhacay gantaal laga soo riday Iran, taasoo ka dhigtay mid aan shaqayn karin.
Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in markabka uu waxyeello soo gaartay Sabtidii, balse ma aysan sheegin sababta, iyadoo sidoo kale sheegtay in
Reuters ayaa sheegtay inaysan si degdeg ah ula xiriiri karin milkiilayaasha markabka oo ku sugan Dubai si ay u xaqiijiso wararka iska soo horjeeda.
Hormuz ayaa weli ah mid ka mid ah marinnada shidaalka ee ugu muhiimsan dunida, waxaana Reuters ay sheegtay in isu-socodkiisu si weyn u hakaday tan iyo markii dagaalku billowday 28-kii Febraayo. Xuutiyiinta iyo Iran ayaa sii wada tallaabooyinka kordhinaya khatarta ku wajahan maraakiibta ganacsiga iyo sahayda tamarta caalamka.