Muqdisho — Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Macallin, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo xubno kale oo la socday.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda, Sanatar Ibraahim Awgaab Cismaan, ayaa diiradda lagu saaray faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobbada Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliyeed.
Xubnaha guddiga ayaa wasiirka ka codsaday inuu caddeeyo qodobo ka mid ah hindise-sharciyeedka oo ay u baahnaayeen fasiraad dheeraad ah, si ay si wanaagsan ugu fahmaan nuxurka iyo ujeeddooyinka sharciga la soo jeediyay.
Wasiirka iyo xubnihii la socday ayaa ka jawaabay su’aalihii ay guddigu ka weydiiyeen qodobbada hindise-sharciyeedka, iyagoo bixiyay sharraxaad dheeraad ah oo la xiriirta ujeeddooyinka iyo qodobbada ku xusan.
Kulankan ayaa qayb ka ah howlaha baarlamaaniga ah ee la xiriira fahamka iyo faahfaahinta hindise-sharciyeedyada la horgeeyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.