AFGOOYE — Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in lix qof ay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen laba qarax oo miinooyin ah oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye.
Sida ay sheegayaan xogaha laga helay ilo amni, qaraxa koowaad ayaa haleelay mooto nooca Feykoonka loo yaqaan oo ku sii jeedday degmada Afgooye, waxaana saarnaa saddex qof oo uu ku jiray darawalku. Dhammaan dadkii saarnaa mootada ayaa la sheegay inay goobta ku geeriyoodeen.
Qaraxa labaad ayaa isna haleelay gaari nooca loo yaqaan Market-ka oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay. Qaraxaas ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada saddex qof, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.
Labada qarax ayaa sidoo kale burbur u geystay mootadii iyo gaarigii ay miinooyinku haleeleen. Dadka dhaawacmay ayaa laga qaaday goobaha qaraxyadu ka dhaceen si loogu fidiyo daryeel caafimaad.
Wararka ayaa intaas ku daraya in goobta uu qaraxa labaad ka dhacay ay marayeen kolonyo gaadiid dagaal ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.